Akhbaarta Aasaasiga ah ee ku Saabsan Gaadiidka Dadweynaha
Ma u baahan tahay turjubaan?
Akhbaarta baasaska iyo tareenada, jadwalada, weecashooyinka.
Wac 612-373-3333
Dooro xulashada 2
Dheh waxaan ku hadlaa Af-Soomaali “Speak Somali”
Saacadaha:
- Isniinta ilaa Jimcaha: 6:30 a.m. ilaa iyo 9 p.m.
- Sabtida iyo ciidaha federaalka: 8:00 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m.
- Axadda: way xiran tahay
Wixii dhuma, ashtakooyinka, talooyinka
Wac 612-373-3333
Dooro xulashada 2
Dheh waxaan ku hadlaa af-Soomaali “Speak Somali”
Saacadaha: Isniinta - Jimcaha: 7:30 subaxnimo ilaa iyo 5:30 fiidnimo.
Sida loo raaco baasaska iyo tareenada
Baasaska
Baasaska xaafadahu maalintii oo dhan waa ay socdaan waxa ayna is-taagaan meelo badan oo jidkooda ah.
Baasaska dhaqsadaa inta qaalibka ah waxa ay socdaan subaxii iyo galabtii kolka shaqada la geliyo ama laga soo rawaxo. Baasaska dhaqsadaa waxa ay maraan Jidadka waaweyn (highway). Baasaska dhaqsadaa ma is-taagaan meelo badan oo baasaska kale is-taagaan. Baasaska dhaqsadaa lacag siyaada ah ayaa lagu raacaa.
Sida loo raaco baasaska
Tareenada fud-fudud
Tareenada fud-fududi waxa ay ka baxaan inta badan ayna is-taagaan saldhig walba ee gaadiidka dadweynaha.
Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Buluuga ahi waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo gegida diyaaradaha (airport) iyo Mall of America iyagoo qaadanaya wadada Hiawatha Avenue.
Tareenada loo yaqaan Tareenada Khadka Cagaarani waxa ka dhex shaqeeyaan beledka hoose ee Minneapolis iyo beledka hoose ee St Paul iyagoo qaadanaya University Avenue.
Sida loo raaco tareenada fud-fudud.
Baasaska degdega ah
Baasaska degdega ahi waxa ay socdaan in ka badan inta ay socdaan baasaska caadiga ah. Meelaha baasaskaa degdega ahi ay is-taagana waa kala fog-fog yihiin.
Khadka baasasku waa Saldhiga Wadada 46th St Train Station ilaa iyo Rosedale Mall iyo Snelling Avenue.
C Line baasaskoodu waxa ay ka baxaan bedelka hoose ee Minneapolis waxay ayna tagaan rugta Brooklyn Center Transit Center iyagoo qaadanaya wadada Penn Avenue.
Red Line baasaskoodu waxa ka baxaan Mall of America waxa ayna ku dhamaadaan Apple Valley Transit Station.
Sida Baasaska Degdega ahi u shaqayaan
Northstar train
Tareenada Northstar waxay ka baxaan Target Field Station ka bedelka hoose ee Minneapolis waxayna aadaan magaalooyinka Fridley, Coon Rapids, Anoka, Ramsey, Elk River iyo Big Lake. Tareenadani inta badan ma socdaan.
Sida loo raaco tareenada Northstar
Meeqa lacag ah ayaa la rabaa in aan bixiyo?
Lacagta
Baaska Xaafada, A Lline & Lacagha |
Saacadaha Isniin.-Jimce.
6:00 - 9:00 gal
3:00 - 6:30 gal |
Saacadaha
shaqada lagu jiro |
Dadka waaweyn da'da 13-64 |
$2,50 |
$2,00 |
Waayeelka (65+)
Dhalinyada (6-12) |
$2,50 |
$1,00 |
Downtown Zone |
$0,50 |
$0,50 |
Degdeg |
Saacadaha |
Saacadaha
shaqada lagu jiro |
Dadka waaweyn (da'da 13) |
$3,25 |
$2,50 |
Waayeelka (65+)
Youth (6-12), Medicare |
$3,25 |
$1,00 |
Lacagta la dhumay |
Dadka Naafada |
$1.00
Waqtiyada kale oo dhan & METRO |
llmo 5 jir ah ama ka yar |
LACAG LA'AAN (3 ku kooban)
Waa inay la socdaan qof lacag bwiyey |
Tikidhada/wareejinta waxa ay shaqeeyaan muddo 2 ½ ah. Wareejinta waxaa loo isticmaali karaa gaadiidka sida baasaska, tareenada iyo baasaska degdega ah.
Sida loo bixiyo lacagta baasaska lagu fuulo
Lacag cadaanka ah: Baasasku lacag baaqi ma soo celiyaan. Cadadka saxda ahi bixi ka dibna codso wareejin in lagu siiyo.
Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.
Metro Transit App: Ka tus wadaha baaska shaashada telefoonka gacanta.
Sida loo bixiyo lacagta tareenka lagu fuulo
Cadaan ama kaararka amaahda: Ka bixi mashiinka tikidhada. Tikirka ayaad u istcimaali kartaa wareejin ahaan.
Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.
Metro Transit App: Ka tus shaashada telefoonka gacanta hadii lagu waydiiyo in aad lacagtii bixisay.
Booliiska Metro Transit waxa ay soo fuulaan tareenada si ay u fatashaan tikidhada. Tus booliiska tikidhkaaga, wareejintaada, Go-To Card ama Metro Transit App hadii lagu waydiiyo.
Sida lagu bixiyo lacagta lagu fuulo gaadiidka baasaska degdeg ah.
Cadaan ama kaararka amaahda: Ka bixi mashiinka tikidhada. Tikirka ayaad u istcimaali kartaa wareejin ahaan.
Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.
Metro Transit App: Tus shaashada telefoonka gacanta hadii lagu waydiiyo.
Booliiska Metro Transit waxa ay soo fuulaan tareenada si ay u fatashaan tikidhada. Tus booliiska tikidhkaaga, wareejintaada, Go-To Card ama Metro Transit App hadii lagu waydiiyo.
Sida lo bixiyo lacagta lagu fuulo tareenada Northstar
Cadaan ama kaararka amaahda: Ka bixi mashiinka tikidhada. Tikirka ayaad u istcimaali kartaa wareejin ahaan.
Go-To Card: Taabo akhriyaha Go-To Card.
Metro Transit App: Ka tus shaashada telefoonka gacanta hadii lagu waydiiyo.
Northstar fares table
Lacagta lagu raaco Northstar |
Sabtida-Axadaha
Kuwani waa lacagaha la
bxixiyo xiliga shaqada |
Sabtida-Axadaha
Kuwani waa lacagaha la
bxixiyo xiliga shaqada |
Lacagta tagida/ka soo
noqoshada beledka hoose
ee Minneapolis |
Dhamaan maxaamiisha
oo dhan marka laga
reebo dadka naafada ah |
Dadka wawwe |
Waayeel (65+),
Dhalinta (6-12)
iyo dadka haysta kaarka
Medicare Dadka
naafada ah mar walba
waa u shaqeyn |
Big Lake |
$6.25 |
$5.50 |
$2.00 |
Elk River |
$4.75 |
$4.25 |
$1.50 |
Ramsey |
$3.75 |
$3.75 |
$1.25 |
Anoka |
$3.25 |
$3.25 |
$1.25 |
Coon Rapids/Riverdale |
$3.25 |
$3.25 |
$1.25 |
Fridley |
$3.25 |
$3.25 |
$1.00 |
Saldhig-ka Saldhig |
$3.25 |
$2.75 |
$1.00 |
Sida lagu helo kaarka Go-To Card:
Goosashada Go-To Card ama lacag ku ridashada Go-To Card waxaa laga heli karaa mashiinada yaal saldhigyada tareenada, Cub Foods, Metro Transit Service Center ama shabakada (website) Metro Transit. Foomka dalabka (Go-To Card)
Go-To
Goobta |
Ciwaanka |
Saacadaha |
Beledka hoose ee Minneapolis |
719 Marquette Ave. |
Isniinaha-Jimcaha:
7:30 sub. - 5:30 gal. |
beledka hoose ee St. Paul |
Skyway, US Bank Center
101 E. 5th St. |
Isniinaha-Jimcaha:
9:00 sub. - 4:30 gal. |
Dadka lacagta gaadiiid raaca laga dhimo
Dadka Naafada ah
Qaar ka mid ah dadka naafada ahi waxa ay xaq u yeelan karaan in lacagta gaadiidka laga dhimo. Dadkaa naafada ahi waa khasab in ay haystaan cadeyn la aqoonsaday si ay helaan lacag dhimida.
Codsiga Socodka Kooban
Barnaamijka dadka dan-yarta ah (TAP)
Dadka dan-yarta ahi waxa ay xaq u yeelan karaan in ay $1 ku raaci karaan gaadiidka maalintii oo dhan.
Si aad xaq ugu yeelato la imow dukumiintiyo la aqoonsan yahay oo cadeynaya dhakhligaaga
Ka codso khadka (on-line) ka ama tag rugta Metro Transit Service Center ama goobta codsiyada lagu qabto.
Codsiga (TAP)
Hadii laguu ogolaado, waxaa lagu siin kaar gaar ah oo ah nooca Go-To Card oo aad mar walba lacag ku ridato.
Buuga (TAP)
Lacagta Gaadiid raacda ee Waayeelka
Dadka waayeelka ah ee ka weyn da’da 65 sanno waxa ay ku raacaan lacag yar baasaska iyo tareenka.
Si aad ugu raacdo lacag yar gaadiidka, tus aqoonsiga leh xarafka “T” ama codso in boostada laguugu soo diro kaarka Go-To Card ee lacagta dhiman.
Xaquuqda Muwaadinka - Ashtakooyinka Dad kala Soocida ee Title VI (Civil Rights - Title VI Discrimination Complaint)
Xaquuqda Muwaadinka ee Sharciga Title VI ee 1964 (Civil Rights Act of 1964) waa sharci dowlada dhexe leedahay oo ka ilaaliya shakhsiyaadka iyo kooxaha in lagu sameeyo dad kala soocid ku salaysan midab, jinsiyad, qoowmiyad.
Ogow xaquuqdaada ku qoran sharciga Title VI